DFS oo is badel ku samaysay habka lagu qaadan karo dal-ku-galka Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay wax ka badel ku samaysay nidaamka dal-ku-galka, kaas oo hadda laga dhigay in qof kasta oo dalka imanaya uu dalbado fiisaha (dal-ku-galka) ka hor inta uusan iman, xitaa haddii uu yahay muwaadin Soomaali ah balse wata baasaboor shisheeye.
Ka hor intaan nidaamkan la dhaqan gelin, waxaa caadi ahayd in dadka socdaalka ku imanaya Soomaaliya ay fiisaha ka qaataan garoomada diyaaradaha marka ay soo gaaraan dalka. Talaabadan cusub ayaa lagu tilmaamay mid DFS ay ku doonayso inay nidaamiso gelitaanka dalka iyo la jaanqaadidda heerarka caalamiga ah ee socdaalka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa nidaamkan ka reeban dalalka Rwanda iyo Malaysiya, kuwaas oo muwaadiniintooda loo oggol yahay inay gudaha u soo galaan iyagoo aan haysan dal-ku-gal.
Sidoo kale, dalal ay ku jiraan Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Liibiya, Masar iyo kuwo kale ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu oggolaanaya in ay fiisaha ka qaataan garoonka diyaaradaha marka ay gaaraan, taas oo DFS ku sheegtay inay tahay la macaamilid is-waafaqsan.
Dowladda Federaalka ayaa caddeysay in nidaamka cusub uu ku saleysan yahay mabda’a ah in Soomaaliya ay dal walba ula dhaqmeyso si la mid ah sida dalkaasi ula dhaqmo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Nidaamkan cusub ee dal-ku-galka ayaa loo arkaa mid adkeyn kara maamulka socdaalka, balse sidoo kale dhaliya dood ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorrada shisheeye iyo soo-booqdayaasha caalamiga ah.