U bood dhigaalka

Maalinta dhalashada Nabiga NNKH oo si weyn looga xusay Muqdisho iyo gobollada dalka

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo gobollo badan oo ka tirsan dalka ayaa maanta si weyn looga xusay maalinta dhalashada Nabiga Maxamed NNKH, xuskaas oo ka mid ah munaasabadaha ugu weyn ee diinta Islaamka.

Qeybo kala duwan oo ka mid ah Muqdisho ayaa lagu arkayay kumannaan dadweyne ah oo isugu soo baxay masaajidda, fagaarayaasha iyo xarumaha diinta, halkaas oo culimaa’udiinka iyo wadaaddadu ka jeediyeen muxaadarooyin ku saabsan nolosha iyo akhlaaqda Nabiga, ayadoo sidoo kale lagu xusay muhiimadda ay leedahay ku dayashada Nebiga iyo isku duubnida Muslimiinta.

Gobollada dalka sida Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Soomaaliland ayaa sidoo kale lagu qabtay xaflado iyo barnaamijyo diimeed, kuwaas oo lagu soo bandhigay aayado Qur’aan ah, qasiidooyin iyo wacdiyo lagu iftiiminayo farriinta Nabiga NNKH.

Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ahayd meelihii ugu xooggan ee lagu xusay, halkaas oo mas’uuliyiin dowladeed iyo culimo waaweyn ay ka qeyb galeen.

Ammaanka caasimadda iyo magaalooyinka kale ayaa la adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay sugayeen nabadgelyada goobaha lagu xusayay, si looga hortago wax kasta oo carqaladeyn kara munaasabadda.

Xuska dhalashada Nabiga NNKH ayaa sanad walba noqda mid ay si ballaaran uga qeyb qaataan bulshada Soomaaliyeed, waxaana loo arkaa fursad lagu mideeyo bulshada iyo lagu xusuusiyo qiimaha ay leedahay nabadda, wadajirka iyo ixtiraamka diinta.