Muxuu salka ku hayaa xarigga ganacsade Maxamed Jabuutaawi ?

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ganacsade Maxamed Jabuutaawi la xiray, ka dib amaro ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Sool, kaddib markii lagu eedeeyay falal amni-darro ah oo dhawaan magaalada ka dhacay.
Ganacsadahan oo caan ka ah gobolka ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii isimada dhaqanka ee beeshiisa, oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ay si toos ah ugu wareejiyeen Ciidanka Booliska. Isimadu waxay sheegeen in ay doonayaan in sharciga la horgeeyo cid kasta oo lagu tuhunsan yahay falal wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Eedeymaha loo jeediyay Jabuutaawi ayaa la xiriira in uu ka dambeeyay falal hubeysan oo amni-darro sababay, kuwaas oo dadka deegaanka sheegayaan in ay ku dhinteen dad rayid ah halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Inkasta oo faahfaahin dheeraad ah aanay kasoo bixin tirada dhimashada iyo dhaawaca, haddana falalkaasi ayaa walaac xooggan ku abuuray bulshada Laascaanood oo marar badan wajahday xaalado qalalaase ah, xilli dhowaan Laascaanood ay ka dhacday doorashadii hoggaanka sare ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Gobolka Sool ayaa xaqiijiyay in Jabuutaawi haatan ku jiro gacantooda, isla markaana maxkamadda gobolka ay sii wadi doonto baarista kiiska ka dhanka ah.
Arrintan ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo kala dambeynta iyo ilaalinta amniga magaalada Laascaanood, oo sanadihii dambe ku soo noqnoqday dagaallo iyo falal amni-darro ah.