U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Baxrayn oo ka wada-hadlay casriyaynta kaabeyaasha dhaqaalaha

Wasiirrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Baxreyn, ayaa magaalada Jiddah ku yeeshay kulan doceed barbar socday Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, oo ka dhacay magaaladaas.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Baxreyn, iyadoo la isla gorfeeyay fursadaha dhinacyada dekedaha, gaadiidka iyo isgaarsiinta.

Wasiir Abdulqaadir ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha, halka Baxreyn ay ballanqaadday taageero farsamo iyo mid maalgashi.

Waxyaabaha si gaar ah looga hadlay waxaa ka mid ahaa qorsheyaal lagu dhisi doono deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay door muhiim ah ka qaadan doonaan kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isu socodka ganacsiga.

Kulanka ayaa sidoo kale loo arkay tallaabo lagu adkaynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo dhinacyadu isku raaceen in la sii dardar-geliyo iskaashiga mustaqbalka si loo gaaro horumar waara.