Dowladda Japan oo ku dhawaaqday inay aqoonsanayso dowladda Falastiin

Dowladda Japan ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsan doonto dowlad-madaxbanaan oo Falastiin ah dhammaadka bishan September, xilli la filayo in shirweynaha guud ee Golaha Qaramada Midoobay uu ka dhaco magaalada New York.
Go’aankan ayaa ka dhigan tallaabo diblomaasiyadeed oo weyn, maadaama Japan ay kamid tahay dalalka awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed ku leh caalamka, gaar ahaan gobolka Aasiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Japan ayaa sheegtay in aqoonsiga Falastiin uu yahay mid ku saleysan taageerada xuquuqda dadka Falastiin iyo dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in xal waara loogu helo colaadda Bariga Dhexe.
Japan waxay intaas ku dartay in tallaabadani aysan ahayn mid ka dhan ah maamulka Israa’iil, balse ay u aragto inay muhiim u tahay nabadda iyo wada-noolaanshaha gobolka.
Dalal kale oo waaweyn ayaa ayaguna horey u ballan-qaaday aqoonsiga Falastiin, kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin inay aqoonsadaan dowlad-madaxbanaan oo Falastiin ah.
Dalalkaasi waxaa ka mid ah UK, Faransiiska, Canada, Australia, Belgium, Portugal, Finland, Malta iyo kuwo kale oo Yurub iyo Aasiya ah. Tallaabooyinkan isbiirsaday ayaa sare u qaaday cadaadiska caalamiga ah ee lagu doonayo in Falastiin hesho kursi buuxa oo Qaramada Midoobay ah.
Falanqeeyayaasha arrimaha caalamiga ah ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Japan inuu yahay mid culays cusub ku kordhinaya Israa’iil, isla markaana dhiirrigelin u noqon kara dalal kale oo weli ka labalabaynaya mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga Falastiin.
Sidoo kale, tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo xaalada dhulka Falastiiniyiinta – gaar ahaan Qasa iyo Daanta Galbeed ay wali ka taagan yihiin dagaal iyo musiibo bani’aadamtinimo oo ka dhalatay duullaanka iyo duqeymaha joogtada ah.