U bood dhigaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Muuse Biixi oo ka hadlay sababta uu u dhaqan-geli waayay is-afgaradkii Itoobiya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay si faahfaahsan uga hadlay sababaha keenay in uusan dhaqan-gelin is-afgaradkii muranka badan dhaliyay ee xukuumaddiisii la gashay Dowladda Federaalka Itoobiya.

Muuse Biixi, oo wareysi laga qaaday ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ku xayirmay cadaadis diblomaasiyadeed oo xooggan oo caalami ah, kaas oo uu ku tilmaamay mid ku adkaaday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed in uu ku dhaqmo.

“Dunida oo dhan ayaa ka hor timid qorshahaas, iyadoo si gaar ah dowladaha Carabta oo uu hoggaaminayo Masar, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Midowga Afrika, iyo quwadaha waaweyn ay si adag uga soo horjeesteen,” ayuu yiri Biixi.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in xaaladaasi ay ku dhowaatay heer xarunta Midowga Afrika laga wareejiyo magaalada Addis Ababa, taas oo muujinaysa culayska diblomaasiyadeed ee Itoobiya wajahday.

Dhanka kale, Muuse Biixi waxa uu shaaca ka qaaday in Dowladda Jabuuti ay si weyn uga carootay is-afgaradkaasi, maadaama ay u aragtay mid dhaawacaya danaha gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Is-afgaradka Itoobiya iyo SoomaalilandIs-afgaradka ay xukuumaddii Muuse Biixi gashay Itoobiya, oo lagu dhawaaqay horraantii sanadkii 2024-kii, ayaa ka koobnaa qodobo la xiriira iskaashi dhinaca badda iyo siyaasadda ah iyo bixinta dhul 20 KM ah, waxaana uu abuuray buuq weyn gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u diiday, iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka hor imanaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, waxayna Itoobiya la gashay dagaal dublumaasiyadeed oo aad u adag.

Hadda, hadalka Muuse Biixi ayaa u muuqda mid si rasmi ah u muujinaya in is-afgaradkaasi uu ku dhamaaday fashil, inkasta oo Itoobiya weli muujinayso rabitaan ku aaddan inay sii waddo xiriir siyaasadeed oo dhow la yeelato Hargeysa.