U bood dhigaalka

Dugsiyada Soomaaliya oo Taleefoonnada Casriga ah laga Mamnuucay Ardayda

Sheeko:Waxbarashada

Mamnuucidda taleefoonnada casriga ah ee dugsiyada Soomaaliya waxay ka dhigan tahay in ardaydu aanay soo qaadan karin smartphones marka ay dugsiga imanayaan.

Ujeeddadu waa in la yareeyo caqabadaha waxbarasho, sida in ardaygu ku mashquulo baraha bulshada, ciyaaraha iyo fiidiyowyada, halkii uu ka feejignaan lahaa casharrada. Waxaa kale oo ay ka hortagaysaa dhaqammo anshaxeed oo taban oo mararka qaarkood taleefoonnada keeneen, sida sawirro iyo muuqaallo aan munaasib ahayn oo la isku gudbiyo.

Shirkii Dhawaan ka dhacay Jowhar ayaa lagu go’aamiyay in ardeyda laga mamnuuco taleefoonnada casriga ah.

Maamulka gobollka Benaadir ayaa ku dhawaaqay maanta in ay dhaqan galiyeen tilaabooyinkaasi.

Maxay ka dhigan tahay?

Xakameyn tacliin – Ardaydu waxay helayaan jawi diiradda lagu saari karo waxbarashada.

Kor u qaadista anshaxa – Waxay ka hortagtaa in ardaydu ku dhex firdhaan xog iyo muuqaal aan ku habboonayn da’dooda.

Waalidiinta oo la shaqeeya – Maamulka iyo waalidiintu waxay yeelanayaan iskaashi si si dhab ah loo hubiyo in ardaydu aanay soo qaadan taleefannada.

Dalalka hore u mamnuucay

Arrintan ma aha mid Soomaaliya kaliya ka hirgashay. Dalal badan ayaa horey u qaaday tallaabo la mid ah:

Faransiiska: Laga bilaabo 2018, waxaa sharci laga dhigay in ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe aanay soo qaadan karin taleefoonnada casriga ah.

Giriigga: Smartphones waa laga mamnuucay dugsiyada hoose iyo dhexe, gaar ahaan marka cashar socdo.

Shiinaha: 2021 ayaa dowladdu ku dhawaaqday mamnuucid ballaaran oo taleefoonnada ardayda, si looga hortago ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah iyo dhaawaca caafimaadka maskaxda.

Ingiriiska: In kasta oo uusan sharci qaran ah jirin, dugsiyo badan ayaa iyagu si madax-bannaan u mamnuucay.

Australia: Gobollada qaar, sida Victoria iyo New South Wales, ayaa si rasmi ah u mamnuucay taleefoonnada ardayda inta lagu jiro waqtiga dugsiga.