Maxaa laga ogyahay safarka Madaxweynaha Xasan Sheekh ee Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, si uu uga qeyb-galo Shirka Cimilada Afrika oo ay martigelinayso Midowga Afrika.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Bole International kusoo dhoweeyay Wasiirka Dhakhliga Itoobiya, Marwo Aynalem Nigussie, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.
Shirka Cimilada Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa dhibaatooyinka isbedelka cimilada, saameynta abaarta, fatahaadaha iyo xalalka waara ee lagu yarayn karo khatarta soo foodsaarta qaaradda. Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu nugul isbedelka cimilada, ayaa la filayaa in ay cod dheer ku biiriso doodda caalamiga ah ee ku saabsan maalgelinta kaabeyaasha cagaaran iyo taageerada dhaqaalaha loo qoondeeyo dalalka nugul.
Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso in hoggaamiyaha Soomaaliya sidoo kale uu ka qaybgalo munaasabadda furitaanka mashruuca weyn ee Biyo-xidheenka Wabiga Nayl (GERD), kaas oo khilaaf xooggan ka dhex dhaliyay Itoobiya iyo dalalka Masar iyo Suudaan.
Labadan dal ayaa walaac xooggan ka muujiyay saameynta mashruucaasi ku yeelan karo webiga iyo biyaha ay ku tiirsan yihiin.
Xiriirka Muqdisho iyo Qaahira oo xilligan si weyn u soo xoogaystay ayaa sababay in arrintan loo arko mid diblomaasiyadeed oo xasaasi ah, iyadoo dawladda Soomaaliya laga war sugayo sida ay isu waafajin doonto danaha cimilada iyo mowqifkeeda siyaasadeed ee gobolka