U bood dhigaalka

Ciidamo gadoodsan oo xirtay Xarunta Maamulka magaalada Gaalkacyo

Ciidamada Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa xiray xarunta maamulka degmada, kadib markii ay sheegeen in muddooyinkii dambe ay ku jireen xaalad mushahar la’aan ah,waxayna hor istaageen shaqaalihii maamulka degmada, iyagoo u diiday in ay gudaha xarunta galaan.

Xiritaanka xarunta ayaa abuuray jahawareer ku yimid adeegii bulshada, maadaama shaqaalaha kale ee degmada oo ay ku jiraan kuwa nadaafadda iyo maamulka ay ku qasbanaadeen in ay dibadda joogaan.

Cabashadan cusub ayaa imaneysa xilli Puntland guud ahaan ay ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ahi ka hadleen mushaharka oo aan si joogto ah loo siin, inkasta oo Wasiirka Maaliyadda Puntland uu shalay ku adkeystay hadal uu jeediyey in dhammaan ciidamada iyo shaqaaluhu ay si joogto ah u helaan xuquuqdooda.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mushahar la’aantu saameyn toos ah ku yeelatay noloshooda iyo tan qoysaskooda, islamarkaana aysan suurtagal ahayn in ay sii gutaan waajibaadkooda iyagoo aan helin xaqoodii.Xaaladda ayaa noqotay mid xiisad dhalisay, waxaana la filayaa in madaxda Puntland ay ka jawaabaan cabashada soo noqnoqotay ee ciidamada iyo shaqaalaha dowladda hoose, si looga hortago in khilaafka uu saameeyo adeegyada bulshada ee degmada.