U bood dhigaalka

35 Sanno Kadib madaxweyne Xasan Shiikh oo markii ugu horraysay ku safray diyaarad ku diiwaan-gashan magaca Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay 35 sano ka dib safar ku galay diyaarad si rasmi ugu diiwaangashan magaca Soomaaliya diyaaraddan ayaa si rasmi ah uga diiwaan-gashan Soomaaliya, ayadoo wadata astaanta duulista dalka ee dalka 6-O, islamarkaana ay duuliyaasheedu haystaan liisanka duulista ee Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha oo ahaa ku saabsanaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo raadinta maalgelin caalami ah, ayaa la tilmaamay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee dib-u-dhiska sumcadda iyo madaxbannaanida qaranka.

Raacitaanka diyaarad uu dalku leeyahay ama ka diiwaangashan gudaha, ayaa loo arkay calaamad muujinaysa horumar iyo isku-filnaansho dhinaca duulimaadyada, xilli horay madaxdu ay ugu safri jireen diyaarado ka diiwaangashan dalal shisheeye ama xittaa wata calamada dowlado kale.

tallaabadan ayaa lagu tillaamay waa kale oo u beryay hannaanka dib u dgiska dowladnimada, taas oo dhiirigelin u ah shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo hadda ka dub heli doona fursado cusub.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa dhowaan sheegtay in dib u soo celinayso diyaaraddii Somali airlines, ayadoo qorshahaasi uu qeyb ka yahay dadaalada lagu horumarinayo adeegyada duulista gudaha iyo kuwa caalamiga ah.