Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD muxuu ka badeli karaa dhaqaalaha iyo Siyaasadda Geeska Afrika?

Dowladda Itoobiya ayaa dhowaan xarigga ka jartay Biyo-xireenka Weyn gobolka geeska Afrika ee (GERD), kaas oo ku yaalla gobolka Benishangul-Gumuz ee dalkaas, waxaana loo arkaa mashruuca ugu weyn ee tamar-dhalinta qaaradda Afrika, iyadoo awoodiisa koronto-dhalintu gaareyso in ka badan 5,000 MW.
Mashruucan ayaa ah mid xudun u noqan kara isbeddelka dhaqaale iyo siyaasadeed oo curta gobolka Geeska Afrika, isla markaana saameyn toos ah ku leh webiga Niilka Buluugga ah oo bixiya 85% biyaha guud Niilka.
Dhaqaale Kor U Kacaya
Koronto jaban oo meel walba gaarta ayaa la filayaa inuu horseedo mashruucani, taas oo xoojin doonto wax-soo-saarka gudaha Itoobiya, iyadoo warshado iyo ganacsiyo cusub abuuri karaan kumannaan shaqooyin ah.
Itoobiya waxay qorsheyneysaa inay koronto u dhoofiso dalalka deriska ah sida Suudaan, Jabuuti, Kenya iyo xitaa Soomaaliya mustaqbalka, taas oo dakhli joogto ah u keeni doonta dhaqaalaha dalka, islamarkaana saamaynteeda gobolka sii xoojin karta.
Dakhliga kasoo baxa biyo-xireenka ayaa sidoo kale lagu maalgelin karaa kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, dugsiyada iyo isbitaallada, taas oo sare u qaadi doonta horumarka bulshada iyo fursadaha maalgashi ee dalka.
Siyaasad iyo Awood Cusub
GERD wuxuu Itoobiya siiyay awood istiraatiiji ah oo cusub, taas oo ka dhigaysa xarunta ugu weyn ee tamarta gobolka Bariga Afrika, Taas beddelkeedana, mashruucu wuxuu abuuray xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan Itoobiya, Masar iyo Suudaan.
Labadan dal ayaa ka walaacsan hoos u dhac ku yimaada biyaha waraabka iyo beeraha, gaar ahaan xilliyada hore ee buuxinta kaydka biyo-xireenka.
Khilaafkaas ayaa sabab u noqday wada-hadallo caalami ah oo ay ka qeyb-galeen Midowga Afrika, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay, si loo helo hannaan wadaag biyo oo aan waxyeello u geysan nolosha malaayiinta qof ee ku tiirsan webiga Niilka.
Saameynta Niilka Buluugga ahBuuxinta biyo-xireenka ayaa si toos ah u yareyn karta qulqulka biyaha ee webiga Niilka Buluugga ah, taas oo saamayn ku yeelan karta beeraha iyo waraabka dalalka webigaas ku tiirsan.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay ku doodaysaa in kaydka biyo-xireenka uu yareyn karo fatahaadaha iyo abaaraha, isla markaana uu siin karo gobolka fursad uu si siman uga faa’iideysto kheyraadka biyaha.
GERD haddii si wanaagsan loo maareeyo waa mashruuc is beddel u horseedi kara dhaqaalaha iyo siyaasadda Geeska Afrika, Hase yeeshee, haddii aan xal waara laga gaarin khilaafka biyaha, wuxuu noqon karaa il xiisad siyaasadeed oo waarta, taas oo qaaradda oo dhan saamayn karta.