U bood dhigaalka

Dowladaha Carabta iyo guud ahaan dalalka islaamka oo shir degdeg ah ka yeelanaya duqeymihii Qatar

Wakaaladda Wararka ee Qatar ayaa sheegtay in dalkaasi uu martigelinayo shir madaxeed gaar ah oo ay iskugu imanayaan hogaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamku.

Shirkan oo lagu wado inuu qabsoomo Axadda iyo Isniinta soo socota ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.

Saraakiil ka tirsan dowladda Qatar ayaa sheegay in shirka looga hadlayo jawaab mideysan oo dalalka Carabta iyo kuwa Islaamku ka bixiyaan weerarkaasi, iyadoo la filayo in lagu soo saaro go’aanno siyaasadeed iyo kuwo amni oo lagu difaacayo madax-bannaanida Qatar.

Diplomaasiyiin ka socda dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa durba gaaray magaalada Doha, halkaas oo diyaargarow xooggan uu ka socdo.

Warbixinada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in shirku uu noqon doono mid heer sare ah oo ay ka soo qeyb galaan madaxda ugu sarreysa dalalka Muslimka ah.

Qatar ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in weerarka lagu qaaday dalkooda aan lagu eegin oo keliya fal militari, balse loo arko isku day lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka.