Soomaaliya Shiinaha kala hadashay taageerada iyo hormarinta ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada Shiinaha ee dhanka tababarka, qalabka iyo horumarinta awoodda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha garab istaagga ay u muujiso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadanayo xoojinta nabadda iyo amniga gudaha dalka, iyo sidoo kale xasilloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.
Danjire Wang Yu, dhankiisa, ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadidda taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta, si Soomaaliya ay u gaarto dib-u-dhis iyo amni waara.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah ee dhanka difaaca iyo amniga, xilli ay socdaan qorshayaal lagu dhisayo awood ciidan oo si buuxda ula wareegi karta amniga dalka