U bood dhigaalka

Muqdisho oo Martigelinaysa Shirka EACON 2025

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee qaabilsan Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay qaban-qaabada iyo abaabulka shirka caalamiga ah ee EACON 2025, kaas oo sanadkii labaad lagu qaban doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay fursad istiraatiiji ah oo Soomaaliya uga faa’iideysaneyso ku biirista iyo xoojinta ka qaybgalkeeda bulshada iyo iskaashiga Bariga Afrika, isagoo intaas ku daray in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay kaalin muuqata ku leedahay qaban-qaabada iyo isku dubaridka hawlaha shirka.

Shirkan oo lagu qaban doono Muqdisho sannadka 2025 ayaa lagu wadaa in uu soo jiito madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC, khubaro, ganacsato iyo bulshada rayidka, si ay uga wada hadlaan arrimaha dhaqaale, amni, ganacsi iyo midnimada bulshada gobolka Bariga Afrika.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato iskaashiga gobolka, ayna muujiso martigelin sharaf leh oo ku dayasho mudan.

Waxa uu ku booriyay hay’adaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay garab istaagaan qabsoomidda shirkan muhiimka ah, maadaama uu kor u qaadayo sumcadda iyo kaalinta diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.