U bood dhigaalka

Guddiga doorashooyinka oo ku dhawaaqay go’aan ka duwan midkii laga filayey oo lumiyay kalsoonidii bulshada

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQ&S) ayaa dhawaan shaaciyay in bisha October loo dareeri doono doorashooyinka Golaha Deegaanka ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ka hor intaan waqtigaas la gaarin, guddigu waxa uu ku dhawaaqay in dib loo furay xarumaha diiwaangelinta dadweynaha ee qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa dhalisay dood iyo su’aalo badan, maadaama bulshada aan weli lala wadaagin sababta rasmiga ah ee keentay dib-u-furista xarumaha iyo waxa isbeddel ah ee dhabta ka jira nidaamka diiwaangelinta.

Dib-u-furis Wacyigelin la’aan ah.

Inkasta oo dib-u-furista xarumuhu ay u muuqato fursad muhiim ah oo lagu ballaariyo ka-qaybgalka shacabka, haddana waxaa muuqata in guddiga doorashooyinka uu ka tagay dhinaca ugu muhiimsan ee hufnaanta: la-xisaabtanka iyo xog-wadaagga bulshada.

Dad badan ayaa is weydiinaya:

Maxaa keenay in xarumaha dib loo furo iyadoo hore loogu dhawaaqay in diiwaangelintu dhammaatay?

Muxuu yahay isbeddelka dhacay oo keenay in muwaadiniinta mar kale la yiraahdo “iska diiwaangeli”?

Halkee buu ku jiraa qorshihii hore ee Guddiga?

Su’aalahaas jawaab la’aanta ahi waxay dhaawacayaan kalsoonida bulshada, waxayna abuurayaan shaki ku saabsan habka loo maamulayo doorashooyinka magaalada ugu weyn dalka.

Kalsoonida Bulshada oo Halis ku jirta

Doorasho kasta oo lagu qabanayo Muqdisho waxay leedahay miisaan siyaasadeed oo gaar ah. Haddii guddiga doorashooyinka uu si cad u muujin waayo sababaha isbeddelada degdega ah, waxaa dhalan kara:

In shacabka ay u arkaan nidaamka doorashada mid aan daah-furanayn.

In ururrada siyaasadeed qaarkood ay ku eedeeyaan guddiga eexasho iyo qorshe qarsoon.

In ka qeybgalka bulshada uu hoos u dhaco, maadaama dadku u arkaan nidaamka mid lagu ciyaarayo waqtiga iyo kalsoonida.

Guddiga iyo Baahida Daah-furnaanta

Guddiga doorashooyinka waa hay’ad ka shaqeynaysa arrin qaran oo saameyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, waxaa looga baahan yahay:

Warbixin rasmi ah in la bixiyo oo si cad u qeexeysa sababaha dib-u-furista.

Jadwal iyo qorshe daah-furan oo bulshada iyo ururrada siyaasadda lagu wargeliyo.

Xisaabtan iyo kormeer madax bannaan, si loo hubiyo in go’aannada aan loogu adeegsan danaha kooxo gaar ah.

Dib-u-furista xarumaha diiwaangelinta iyadoo la dhow yahay doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Muqdisho waa tallaabo abuureysa shaki iyo su’aalo badan. Guddiga doorashooyinka haddii uu doonayo inuu kasbado kalsoonida bulshada, waa inuu ka jawaabaa su’aalaha shacabka, si cadna u muujiyo isbeddelka dhacay.