U bood dhigaalka

Heshiis la yaab leh oo lagu soo afjaray xiisad muddooyinkii dambe ka taagnayd Buuhoodle

Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa maanta lagu soo afjaray kiis dil ah oo muddooyinkii la soo dhaafay xiisad ka dhex abuuray laba beelood oo deegaanka ku wada nool.

Heshiiska lagu soo gunaanaday xurguftii ka dhalatay kiiskaas ayaa lagu gaaray gogol nabadeed oo ay hormuud ka ahaayeen odayaasha dhaqanka, culimada iyo maamulka deegaanka.

Xalinta kiiskan ayaa ku dhammaatay in la bixiyo mag dhan 210 halaad oo geel ah, taasoo ah magta dhaqanka Soomaaliyeed, iyo in la siiyo laba gabdhood oo godob-reeb ah si loo adkeeyo heshiiska iyo xiriirka labada beel.

Sidoo kale, waxaa la kala qaaday laba qori oo dirir-reeb ah si loo xaqiijiyo in colaaddaasi aysan dib u soo laaban, waxaynq odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka goobta ka hadlay tilmaameen in heshiiskani uu yahay mid soo celinaya nabadda, isku-duubnida iyo wada noolaanshaha bulshada Buuhoodle.

Maamulka degmada iyo saraakiil amni oo ka qeybgalay madasha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo heshiiska oo aan dib loogu noqon colaad iyo xurguf.

Goobjoogayaashii xafladda ayaa dhankooda sheegay in farxad weyn laga dareemay magaalada, maadaama heshiiskan uu soo afjarayo muran muddo dheer saameyn ku lahaa bulshada deegaanka.