Soomaaliya oo Dib-u-eegis Ku Sameyneysa Xeer Ciqaabeedkii Hore si loo Xoojiyo Cadaaladda iyo Xuquuqda Muwaadiniinta

Soomaaliya ayaa bilaawday dib-u-eegis lagu sameynayo xeer ciqaabeedka dalka oo jiray in ka badan nus qarni, taas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo hannaanka cadaaladda iyo in si fiican loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta.
Munaasabad ka dhacday caasimadda Muqdisho, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Bashi Yuusuf Axmed, ayaa furay Shirka Talo-galka Garsoorka, isaga oo xeerkan ku tilmaamay “laf-dhabarta casriyeynta nidaamka garsoorka Soomaaliya.”
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka, Siciid Cali Gurey, ayaa sheegay in isbeddelka xeerku uu ka dhigi doono maxkamadaha kuwo wax ku ool ah oo si degdeg ah u gudan kara waajibaadkooda.
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Amb. Ilyaas Sheikh Omar, ayaa xusay in dib-u-habaynta xeerka ay gacan ka geysan doonto difaaca xorriyaadka aasaasiga ah, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad dib-u-dhis ah kadib sanado badan oo colaad iyo burbur ah.
Khabiirada sharci ayaa tilmaamay in cusbooneysiinta xeerka ciqaabta oo markii ugu horreysay la dhaqan geliyay ku dhawaad 60 sano ka hor ay muhiim u tahay in hay’adaha dalka lagu waafajiyo heerarka caalamiga ah isla markaana dib loo soo celiyo kalsoonida shacabka ee ku aaddan hannaanka sharciga iyo cadaaladda.