U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si faahfaahsan uga hadlay arrimaha dhulalka iyo qorshaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimaha dhulalka caasimadda iyo qorshaha dowladda ee ku aaddan sharciyeynta iyo maareynta hantida guud, isaga oo ka qeyb galay dood furan oo lagu weydiinayay su’aalo ay soo jeediyeen shacabka iyo weriyeyaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maareynta dhulalka ay tahay arrin dan guud oo dowladda looga baahan yahay inay uga shaqeyso si hufan “Markaad dan guud ka shaqaynayso, danaha gaarka ah waad aisku dhacayaan, balse dowladdu waa inay ka hormarisaa danta guud,” ayuu yiri Xamse, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo qorshe mideysan oo lagu hagaajinayo qaabka dhulalka loo isticmaalo.

Waxa uu tilmaamay in dowladdu ay rabto in dhulka loo sharciyeeyo dadka deggan, sidoo kalena mararka qaar la siin karo ganacsatada huteellada iyo xarumaha ganacsi maalgashanaya haddii loo arko inay dan guud ku jirto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad u sheegay in aan la aqbali karin in caasimad magaalo madax ah ay buuxiyaan buushash iyo barakacayaal aan lahayn xal waara, wuxuuna intaa ku daray in dadka dhul la’aan ah gobolka Banaadir ay ka rabaaj inuu siiyo dhul.

Sidoo kale, Xamse Cabdi Barre wuxuu ku adkeystay in dowladdu aysan raali ka ahayn boobka dhulka gaarka loo leeyahay, isagoo xusay in hantida gaarka ah ay tahay mid la dhowrayo isla markaana cidna aan lagu xadgudbi doonin.