U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigey haweenay ku eedaysan aflagaadaynta madaxda qaranka

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney lagu magacaabo Malyuun Cawad Xaydar, oo ku eedaysan aflagaado madaxeed iyo anshax-xumo.

Falka ay ku kacday ayaa ah mid dhaawacaya sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmaraya Dastuurka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxayna haweeneydani hadda ku jirtaa gacanta Booliiska, ayadoo saraakiishu ay ballanqaadeen in ay u gudbin doonaan maxkamadda awoodda u leh kiiskan.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay ku raad-joogaan shaqsiyaad kale oo ku kacay falal isugu jira anshax-xumo iyo aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka.

Booliiska ayaa dhowaan soo saaray go’aan lagu mamnuucay aflagaadada madaxda, isku dir qabiillada, xirashada dharka ciidanka, waxaana horay xabsiga loogu taxaabay dhallinyaro ku eedaysan aflagaado madaxweyne.