U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeeray garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kaddib cabashooyin isa soo tarayay oo ka imanayay shacabka Soomaaliyeed oo dalbanayay in la horumariyo adeegyada garoonka.

Kormeerkan oo ahaa mid aan horay loo shaacin, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu si gaar ah u eegay qeybaha kala duwan ee garoonka, isagoo kormeeray goobaha ay dadka rakaabka ahi adeegyada ka helaan, sida mashiinnada baadhista, xarumaha sugitaanka, iyo adeegyada kale ee socdaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo la hadlay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Maamulka garoonka, ayaa si cad u faray in si degdeg ah wax looga qabto adeegyada daciifka ah ee shacabka cabashada ka muujiyeen.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay helaan adeegyo hufan oo casri ah marka ay safar yihiin, Waxaan idinka filayaa in laba toddobaad gudahood aad ku sameysaan isbeddel muuqda. Haddii kale, waxaan qaadi doonaa tallaabo adag,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in uu dib ugu soo laaban doono garoonka si uu u hubiyo in ballanqaadyadaasi la fuliyay, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso hagaajinta adeegyada garoonka oo ah albaabka ugu weyn ee dalka looga soo galo.

Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay shacabku muddooyinkii dambe cabasho xooggan ka muujinayeen adeegyada garoonka iyo culaysyo badan oo lagala kulmo marka ay ka dadku ka dhoofayaan ama ka soo dagayaan.