U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in xukuumaddiisu aysan ku dhisnayn hannaanka 4.5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan ku shaqaynayn hannaanka awood qeybsiga ee 4.5, kaas oo muddo dheer ka jiray siyaasadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay xiriirka Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ayaa caddeeyay inuusan kursiga Ra’iisul Wasaarenimo ku metelin qabiil gaar ah, balse uu matalo ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xarriiqay in nidaamka 4.5 aanu ahayn wax dastuurka ku qoran, isla markaana aysan xukuumaddiisu ku dhisnayn qaabkaas. Wuxuu intaa ku daray in golihiisa wasiirrada lagu dhisay qaab “5/5”, taas oo micnaheedu yahay in kuraasta qabaa’ilka Soomaaliyeed loo simay si cadaalad ah oo aan cidna laga tagin.

Hadalkan ayaa loo arkaa mid fariin cad u diraya bulshada iyo siyaasiyiinta Ra’iisul Wasaaraha ku dhaliila in uu lumiyay wada-shaqaynta maamulladii uu saami qeybsiga siyaasadda ku matalayay, iyo in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa nidaamka 4.5 oo caqabad ku ah dhismaha dowladnimo dhammaystiran iyo mideynta shacabka.