Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo si Rasmi ah Loogu Soo Xiray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, kaas oo ay soo agaasintay Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed (HTS), kaddib laba maalmood oo ay socdeen dooddo, cilmi-baaris iyo aqoon-is-weydaarsi ku saabsan tayeynta badeecadaha dalka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa tayada badeecadaha gudaha, loo ilaalin lahaa sumcadda ganacsiga Soomaaliya, iyo loo xaqiijin lahaa badqabka bulshada, iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad iyo habab casri ah oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.
Shirka waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin heer qaran iyo heer gobol isugu jira, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, iyo xeeldheereyaal ku takhasusay arrimaha tayada iyo suuq-geynta badeecadaha.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka ku adkeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay suuq-geynta kheyraadkeeda, isagoo xusay in tayada iyo tartanka suuqyada caalamiga ahi ay muhiim u yihiin horumarinta dhaqaalaha.
Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee HTS ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’addu ay ka go’an tahay in magaca Soomaaliya lagu astayno tayo iyo hufnaan, isla markaana la dhiso nidaamyo adag oo lagu hubiyo heerarka badeecadaha dalka ka dhoofaya iyo kuwa soo galaya.
Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu soo bandhigay natiijooyin iyo cilmi-baarisyo muujinaya muhiimadda kaabayaasha tayada qaranka iyo sida loo adeegsan karo teknoolojiyadda casriga ah si loo gaaro heerar tartan oo caalami ah.