Maxaa Ka cusub ololaha aqoonsiga Dawladda Falastiin?

Ololaha caalamiga ah ee lagu dalbanayo in Falastiin loo aqoonsado dawlad madax-bannaan ayaa mar kale xoog yeeshay, iyadoo dagaalka Qasa uu dib u soo nooleeyay doodda caalamka ka taagan ee ku saabsan mustaqbalka Falastiin.
Dalal dhowr ah oo hore dhexdhexaad uga ahaa qadiyadda Falastiin ayaa si cad u sheegay inay taageerayaan aqoonsiga, waxaana arrintan loo arkaa tallaabo cadaadis siyaasadeed iyo mid bani’aadantinimo oo lagu doonayo in xal loo helo colaadda Bariga Dhexe, gaar ahaan Qisa.
Bilihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay dalalka aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Latin America iyo Yurub, waxaana kamid ah Norway, Ireland iyo Spain oo dhowaan ku dhawaaqay aqoonsi rasmi ah, halka Koonfur Afrika ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah Israa’iil.
Sidoo kale maalinta Isniinta ayaa la filayaa in 10 dal oo reer galbeed ah oo uu Faransiisku hormuud u yahay ay ku dhawaaqaan aqoonsiga Falastiin,halka Japan ay horey u shaacisay tillaabo taas lamid ah.
Si kastaba ha ahaatee Aqoonsiga dawlad Falastiin ma yahay tallaabo dhab ah oo caddaalad raadin ah mise waa cudurdaar siyaasadeed oo dowladaha qaar ay ku doonayaan inay ka baxsadaan cadaadiska shacabka iyo ururrada xuquuqda aadanaha?
Taageerayaasha aqoonsiga waxay ku doodaan in Falastiin muddo 75 sano ka badan ay ahayd meel aan madax-bannaanideedu dhammaystirnayn, aqoonsiguna uu yahay tallaabo lagama maarmaan ah oo loo baahan yahay si loo joojiyo barakicinta iyo xadgudubyada joogtada ah.
Dadka dhaliilsan arrintan ayaa aaminsan in dowlado badani ay aqoonsiga u adeegsanayaan siyaasadooda gudaha, balse aysan qaadin tallaabooyin cadaadis toos ah oo lagu qasbo Israa’iil inay wada-hadallo dhab ah bilowdo.
Ololahan cusub wuxuu si gaar ah u saameynayaa siyaasadda gobolka, waxaana la filayaa in Israa’iil ay ka falceliso iyadoo xoojinaysa xiriirka ay la leedahay xulafadeeda, halka Falastiiniyiintu ay u arkaan guul diblomaasiyadeed oo dhiirrigelinaysa halgankooda, wuxuuna ololaha aqoonsiga Falastiin u muuqdaa mid ka xoog badan sidii hore.