Dekedda Muqdisho oo xiran maalinkii Saddexaad iyo ganacsatada oo cabasho ka muujiyay

Dekedda caasimadda Soomaaliya ayaa weli xiran maalintii Saddexaad, kaddib markii ganacsatada halkaasi ka howl-gasha ay si adag uga horyimaadeen lacag cusub oo lagu soo rogay badeecadaha.
Ganacsatada waxay ku tilmaameen lacagahan kuwo sharci-darro ah oo aan wax heshiis ah ku dhisnayn, iyagoo ku doodaya in arrintani wiiqayso dhaqaalaha ganacsiga isla markaana ay horseedday hakad weyn oo ku yimid sahayda badeecadaha daruuriga ah ee magaalada.
Mid ka mid ah ganacsatada soo dejinta qalabka elektaroonigga, Cabdirisaaq Nuur, ayaa sheegay in xiritaanka dekedda uu saameeyay alaabtii uu ka sugayay dibadda, taas oo keentay in macaamiil badan ay ka caroodeen dib u dhaca.
“Waxaan ku xisaabtameynay in toddobaadkan aan suuq geyno qalabkii cusub ee casriga ahaa ee aan dalbannay, balse haatan dhammaan Alaabtii waa la hakiyay. Ma aha oo keliya khasaaro dhaqaale ee waxaa jirta kalsooni daro ka dhex dhalatay annaga iyo macaamiisheena. Haddii arrintan aan si degdeg ah loo xallin, waxaa dhici karta in suuqa elektaroonigga Muqdisho uu wajahayo koror qiime iyo yaraansho badeecooyinka,” ayuu yiri Cabdirisaaq oo ku sugan Muqdisho.
Xaaladda dekedda ayaa durba keentay in bulshada Muqdisho ay ka walaacaan yaraanta sahayda iyo suurtagalnimada sicir-barar.
Qoysas badan ayaa ku tiirsan badeecadaha ka soo dega dekedda, halka ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe ay sheegayaan inay ku jiraan xaalad dhaqaale oo adag. Ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in ay la fariisato si masuuliyad ku dheehan tahay, lana soo bandhigo xal sharci ah oo waara, ka hor inta aan xaaladdu isu rogin dhibaato hor leh.