U bood dhigaalka

Maxay ammaanka Soomaaliya ku soo kordhin karaan ciidamada dalalka cusub ee ku soo biiray Howlgalka AUSSOM?

Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad cusub oo  xasillooni amni iyo siyaasadeed ah, taas oo aad uga wanaagsan xaaladihii uu dalku soo maray 20-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna dowladdu qaaday tillaabooyin badan oo lagu adkaynayo nabad-gelyada iyo xoojinta hay’adaha maamulka.

Inkastoo ay guulo badani jireen, islamarkaana dowladda iyo maamulka goboleedyadu ay gacanta ku hayaan inta badan deegaannada iyo gobollada dalka, haddana beesha caalamku waxay weli Soomaaliya ku eegaysaa il gaar ah, ayadoo marba marka dambeysa la keenayo dhaliilo iyo cudur-daarro ay ciidamada shisheeye dalka ku sii joogaan, kuwo hor lehna lagu soo geliyo.

Ku dhowaad 20 sano ayay dalka joogeen in ka badan 20 kun oo ciidamo shisheeye ah, kuwaas oo hadda magaca loo badelayay, si loogu yeelo waji howlgal cusub, balse seddaxdii sano ee la soo dhaafay waxay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanku muujiyeen inaan baahi weyn loo qaban xoogag shisheeye, markii laga soo tago taakulayn yar oo dhinaca farsamada ah.

Ciidamada AUSSOM intooda badan waxay joogaan fariiso ay 10 sano ka hor samaysteen, ayagoo sidoo kale ilaaliya xarumo aad u kooban oo dowladdu leedahay, sidaas oo ay tahayna sanad walba tiro hor leh ayaa lagu soo kordhiyaa, ayadoo dalal cusubina ay u hanqal taagayaan sidii ay ugu soo biiri lahaayeen.

Dalal dhowr ah ayaa hore u xaqiijiyay danayntooda ka qeyb-qaadashada howlgalkan, ayadoo Masar iyo Eswatini oo waqooyiga iyo koonfurta fog ee afrika ku kala yaali ay dhowaan ka mid noqdeen, taas oo tirada dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan ka dhigtay 9 dal oo kala ah, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, Burundi, Sierra Leone, Burundi, Masar, Nigeria,iyo Eswatini.

Dalalkan qaarkood waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhowaad 2 kun oo askari oo militari iyo boolisba leh, mana cadda waxayna xeeldheereyaashu qabaan in ku soo biirista dalalka cusubi aysan wax badan ka badeli doonin wajiga howlgalka iyo firfircoonidiisaba.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya waa dal weli ku jira xaalad xasilooni darro ah iyo dagaal argagixiso, balse dadweynaha iyo madaxda dalkuba way ogyihiin in isku tashigu uu yahay xalka keliya ee ay dhibaatada kaga bixi karaan,ciidamo shisheeyena aysan wax badan soo kordhinayn.