U bood dhigaalka

Maxay tahay naxariista loo baahanyahay marka xoolaha la gowracayo ?

Xeeldheereyaasha caafimaadka xoolaha iyo culimada shareecada ayaa marar badan ka digay in xoolaha loo gowraco si xanuun iyo cabsi leh, iyaga oo ku boorriyay bulshada in la dhowro naxariista xoolaha xilliga gowraca.

dhakhaatiirta  xannaanada xoolaha ayaa sheegay in xooluhu ay dareemaan cabsi iyo walwal haddii neef kale hortooda lagu gowraco, taas oo keenta in uu kordho hormoonka walbahaarka (stress hormone), isla markaana ay saameyso tayada hilibka.

“Marka xoolaha la cabsi geliyo, waxaa ka dhalan kara in hilibku noqdo mid adag, dhiigguna si fiican uga dhammaan waayo,” ayuu yiri xeeldheere arrintan ka hadlay.

Dhinaca kale, culimada diinta ayaa xaqiijiyay in naxariista xooluhu ay qayb ka tahay iimaanka, ayagoo xusay xadiisyo caddeynaya in Nebi Muxamed (NNKH) uu reebay in neef neef kale lagu gowraco hortiisa.

Sharciyada deegaanka qaarkood iyo xeerarka caafimaadka xoolaha ayaa sidoo kale dhigaya in qofkii ku xadgudba habka gowraca naxariista leh uu muteysan karo ciqaab, sida ganaax lacageed ama xayiraad suuqeed, si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee bulshada.

Khubarada ayaa ugu baaqay ganacsatada hilibka, gowracayaasha iyo beeraleyda in ay raacaan tilmaamaha caafimaadka iyo shareecada si loo yareeyo xanuunka iyo cabsi gelinta xoolaha, loona hubiyo in bulshada loo keeno hilib tayo leh oo caafimaad qaba.

Si kastaba ha ahaatee gowraca xoolaha si naxariis leh waa mas’uuliyad bulsho, diin iyo caafimaad, halka cabsi gelinta iyo gowraca hortooda xoolaha kale ay keeni karto dhibaatooyin caafimaad, dhaqaale iyo sharci.