U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo afgembi ku tilmaamay shaqaaqadii ka dhacday saldhigga degmada Warta Nabadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii hubeysneyd ee shalay ka dhacday degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, taas oo uu ku tilmaamay isku day afgambi iyo khalkhal gelin amni.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerar lagu qaaday saldhigga booliiska degmada Warta Nabadda, kaas oo xambaarsanaa farriin cad oo lagu muujinayay in magaalada Muqdisho aysan u qalmin xasillooni iyo horumar, isla markaana lagu diidan yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah iyo dagaalka dowladda kula jirto Khawaarijta.

“Falkii shalay lagu weeraray saldhigga booliiska wuxuu xambaarsanaa farriin ah in Muqdisho aanay u qalmin horumar iyo xasillooni; waxaana lagu diidanaa in muwaadiniinta loo celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah iyo la dagaallanka Khawaarijta, hay’adaha amniga waxaan farayaa in ay sugaan ammaanka muwaadiniinta, kana hortagaan cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Iska hor-imaadka oo socday muddo daqiiqado ah ayaa sababay dhimashada ugu yaraan laba qof, iyadoo mid ka mid ah dadka geeriyooday uu ahaa askari ka tirsanaa ilaaladii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ee dhaawacyada, hase yeeshee dad goobjoog ah ayaa sheegay in rasaasta la isku adeegsaday ay cabsi badan ku abuurtay xaafadaha ku dhow saldhigga.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa eedda dhacdada dusha uga ridday xubnaha mucaaradka ah ee loo yaqaan “Madasha Samata-bixinta,” iyadoo  ku eedeysay in ay abaabuleen falkaasi.