Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada-hadlay xoojinta xariirka labada dal iyo arrimo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan-doceed kula yeeshay magaalada New York Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax, xilli ay socoto Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kuwait, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo guud oo gobolka khuseeya, iyagoo isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo taageerada ay isku siiyaan arrimaha muhiimka u ah danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Kuwait taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, halka Dhaxal-sugaha Kuwait uu ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.