Trump oo sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay in Ilhaan Cumar laga saaro Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa asagoo aqalka cad warbaahinta kula hadlaya mar kale weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka, asagoo sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kala hadlay suuragalnimada in Ilhan Omar laga kexeeyo Mareykanka dibna loogu celiyo Soomaaliya.
Trump ayaa hadalkiisa ku daray inuu Madaxweynaha Soomaaliya weydiiyay haddii uu diyaar u yahay in uu qaato Ilhan Omar, balse uu ku jawaabay inuusan doonayn, hadalkan ayaana si weyn dood uga abuuray gudaha Mareykanka iyo dibaddiisaba, iyadoo loo arkay faquuq siyaasadeed oo lagu bartilmaameedsanayo Ilhan Omar oo ah haweeney Soomaali-Maraykan ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Warbaahinta waaweyn ee Mareykanka, sida Fox News, CBS News iyo AOL, ayaa tabisay hadalka Trump, hase-yeeshee ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ama wasaaradda arrimaha dibadda oo xaqiijinaya in wada-hadal noocan oo kale ah oo dhab ahaan dhacay.
Ilhan Omar, oo markii ugu horreysay loo doortay Kongareeska Mareykanka sanadkii 2018, ayaa si cad u dhaleeceysa siyaasadaha Trump, taas oo sababtay in madaxweynihu uu marar badan weerar afka ah ku qaado, isagoo ugu yeeray inay dib ugu laabato Soomaaliya.