U bood dhigaalka

Maxay ka dhigantahay in hoggaamiye khudbad ka jeedinaya kulanka Qaramada Midoobay hoolka looga baxo, horey’se ma u dhici jirtay ?

Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa saacado ka hor waji-gabax kala kulmay khudbad uu ka jeedinayay kulanka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, ka dib markii inta badan ergadii iyo dublumaasiyiintii goobta ku sugnaa ay hoolka u banneeyeen oo dibedda uga bexeen.

Netanyahu ma ahan markii ugu horreysay ee fadhiga Qaramada Midoobay looga baxo, horay ayaana dhawr mar hadal jeedintiisa looga dareeray, taas oo muujisay carada ay dunida inteeda badani ka qabto falalka uu maamulkiisu ka wada marinka Qasa, Daanta Galbeed, iyo xittaa meelo kale oo gobolka Bariga dhexe ka mid ah.

Hadaba muxuu ka dhiganyahay ka bixitaanka hoolka Qaramada Midoobay xilli uu hoggaamine khudbad jeediyanayo ?

Ka bixitaanka hoolka shirarka ee kulanka guud ee Qaramada Midoobay xilliyada ay khudbaduhu socdaan ayaa loo arkaa mowqif dublumaasiyadeed, ama diidmo siyaasadeed oo looga soo horjeedo hoggaamiyaha hadal-jeedinta ku jira ama waxa uu ka hadlay, waana arrin horay dhawr u dhacday.

Madaxweynihii hore ee dalka Iraan Mahmoud Ahmadinejad ayaa khudbadihii uu ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay Sanadihii 2006, 2008 iyo 2010, waxaa isaga baxay ergada Mareykanka, Yurub iyo Israa’iil, ka dib markii uu jeediyay hadallo adag oo ka dhan ah maamulka Talaabiib.

Sidoo kale hoggaamiyihii hore ee Falastiin
Yaasir Carafaad ayaa dhawr asagoo hadal-jeedinaya waxaa hoolka uga baxay
ergada Israa’iil iyo xulafadooda, ayagoo dhibsaday hadallo adag oo uu ka yiri sharci-darrada Israa’iil iyo taageero caalami ah oo uu ka dalbaday dunida.

Madaxweynihii hore ee Venezuela, Hugo Chávez ayaa sanadkii 2006, isagoo ka hadlayay QM, wuxuu ku tilmaamay Madaxweyne George W. Bush shaydaan ur ba’an, taas oo sababtay in ergada Mareykanka iyo xulafado badani ay fadhiga ka baxaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya,Muammar Al-Qaddafi ayaa asna sanadkii 2009, khudbaddiisii oo aad u dheerayd iyo weerar afka ah oo uu ku qaaday Qaramada Midoobay iyo dowlado badan, waxaa ka dhashay in dalal reer Galbeed ah ay ka baxaan hoolka.

Sanadkii 2022-na Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa khudbad fogaan arag ah oo uu jeediyay waxaa ka carooday ergada Ruushka iyo xulafadooda, taas oo keentay inay hoolka ka baxaan.

Si kastaba ha ahaatee ka bixitaanka hoolka Qaramada Midoobay badanaa waa astaan muujinaysa nacayb iyo caro siyaasadeed oo loo qabo hoggaamiyaha ama wakiil markaas khudbadda jeedinaya, waana xaalad aan ku cusbayn kulanka Qaramada Midoobay.