Wafdi ka socda Soomaaliya oo kulan la yeeshay ๐๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ฎ๐๐ข ๐๐ซ๐๐๐ข๐

๐๐ข๐ฒ๐๐๐ก, ๐๐๐ฎ๐๐ข ๐๐ซ๐๐๐ข๐:- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ah ku jooga Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Saudi Arabia ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Riyadh, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Saudi Arabia Mudane Abdulmuhsen Bin Saโad Alkhalaf iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhanka dhaqaalaha. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa mahadcelin kadib waxa uu si faah-faahsan ugala hadlay qorshayaasha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada kaabayaadha dhaqaalaha, khayraadka badda, xoolaha, beeraha iyo dhanka tamarta. Waxaa lagu heshiiyay in wada hadalan hore loo wado oo loo bedelo heer farsamo si looga miro dhaliyo oo gaadho heshiish maalgashi oo laba geesood ah ( investment treaty).
Wafdiga Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka kooban Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska iyo Maareeyaha Dakadda Muqdisho waxaa si diiran u soo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Saudi Arabia oo uu hoggaaminayo siihaya Safaaradda Mudane Cabdicasiis Ibrahim Xasan.