U bood dhigaalka

Muxuu daarranyahay safarka guddoomiyaha baarlamaanka maamulka waqooyi bari uu ku yimid Muqdisho?

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, ayaa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay ku yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Dr. Aadan iyo wafdigiisa ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo si kooban uga hadlay soo dhoweynta loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa u mahadceliyay madaxda federaalka iyo xildhibaanada soo dhaweeyay, isaga oo sheegay in dhismaha maamulka Waqooyi Bari uu yahay rabitaanka shacabka deegaankaas ee doonaya inay ka qayb qaataan nidaamka federaalka.

“Maamulka cusub wuxuu astaan u yahay ka-qaybgalka shacabka Waqooyi Bari ee dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo mideysan,” ayuu yiri.

Safarka Dr. Aadan ayaa loo arkaa inuu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Muqdisho iyo maamulka cusub ee Waqooyi, iyadoo Soomaaliya ay weli ku jirto marxalad dhisid hay’ado siyaasadeed iyo nidaam dowladeed ah oo ku salaysan hannaanka Federaalka ah.