Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la qaataay Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad oo ah Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga.
Kulankan ayaa intii uu socday Dawladda Soomaaliya waxay soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, kulamada labada dhinac ayaana ah kuwo sii socon doona oo la qorsheeyay in loo bedelo heer farsamo oo lagu lafa-guri doono, arrimaha hortebinta leh iyo inay horseedaan iskaashi dhaqaale iyo maalgashi oo ballaaran.
Wafdiga waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ku wehliya Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Marwo Hodan Aadan Cusman, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayo siihayaha Safiirka, Cabdicasiis Ibraahim Xasan.