Soomaaliya oo Talyaaniga kala hadashay hormarinta ciidanka badda
Sheeko:Warar & Warbixino

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Cabduwahaab Cabdullaahi Cumar, oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga, Admiral Enrico Credendino.
Labada taliye ayaa ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo kulanka lagu xoojiyay iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga badda.
Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka saaxiibka dhow la ah dowladda Soomaaliya ee ka taageera dhinacyada ammaanka, waxbarashada,, hormarinta, iyo dib u dhiska.