Dowladda Soomaaliya oo xabsiyada dalka Congo ka soo daysay in ka badan 50 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Safiirka Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Congo danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa wada-hadal uu la galay masuuliyiinta Congo ka dib ku guulaystay xabsiyada dalkaas laga soo daayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo 50 qof ka badan, kuwaas oo halkaas muddo ku xirnaa.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalla meelo badan oo kamid ah dalka Congo, oo ay ku jirto magaalada Lubumbashi.
Dowladda Congo ayaa sii deysay muwaadiniintan, kadib dadaalo diblomaasiyadeed oo ay sameeysay safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.
Danjire Ilyaas oo faahfaahin ka bixiyay siideynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu arrintan soo dedejiyay codsi rasmi ah oo uu saddex maalmood ka hor u gudbiyay Safiirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo u fadhiya dalka Tanzania, Amb. Jean Pierra Massala.
Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ku qulqulayay Soomaali badan oo isugu jirta ganacsato maalgeshi doon ah iyo dad kale.