U bood dhigaalka

gobolka Nugaal oo looga dhawaaqay go’aan layaab leh oo ku saabsan Guurka

Maamulka Gobolka Nugaal ayaa si rasmi ah uga dhawaaqay go’aan cusub oo layaab leh oo ku saabsan guurka iyo dhaqanka bulshada, kaas oo saamayn weyn ku yeelan doona nolosha dadka ku dhaqan gobolkaas.

Go’aanka ayaa mamnuucaya yaradka khasabka ah iyo sidoo kale guurka qaali ah, iyadoo la doonayo in la joojiyo dhaqamadaas oo muddo dheer bulshada dhexdeeda caadiga ka ahaa.

Soo saarista go’aankan ayaa la sheegay inay ku timid aragti laga aruuriyay bulshada gobolkaas qaarkood, waxaana hoosta laga xariiqay in aan la aqbali doonin in qof lagu qasbo guur aan doorasho lahayn ama guur ku yimaada cadaadis dhaqaale oo xad dhaaf ah.

Intaa waxaa dheer, go’aanka cusub wuxuu tilmaamayaa in qofkii qof kale kas u dila aan mag laga qaadan doonin, taasoo ah tilaabo adag oo loo qaaday sidii looga hortagi lahaa falalka dilalka iyo rabshadaha ah.

Guurka deegaannada Soomaalida gaar ahaan gobollada bartamaha, bariga, iyo waqooyiga ayaa aad u adag, waxaana ninka doonaya inuu guursado laga qaadaa hanti faraha badan oo magacyo kala duwan leh, taas oo qoyska gabadhu ay ku xujeeyaan.