Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Baraaraha Carruurta

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Baraaraha Carruurta, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda ilmaha Soomaaliyeed.
Intii lagu jiray fadhiga, waxaa oggolaaday 130 Xildhibaan, halka 10 Xildhibaan ay diideen, shan kalena ay ka aamuseen.
Natiijadan ayaa muujisay taageerada xooggan ee Baarlamaanka u hayo hirgelinta heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kuwa carruurta.
Axdigan ayaa dhigaya in carruurtu ay xaq u leeyihiin daryeel, waxbarasho, caafimaad, iyo in laga ilaaliyo tacaddiyada iyo guurka qasabka ah.
Waxa uu sidoo kale ku boorrinayaa dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay qaadaan tallaabooyin sharci iyo dhaqanba oo lagu sugi karo barwaaqada iyo mustaqbalka carruurta qaaradda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ansixinta Axdigan ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu ilaalinayo xuquuqda bulshada nugul, isagoo tilmaamay in wasaaradaha ku shaqada leh ay bilaabi doonaan qorshayaal lagu fulinayo qodobada ku xusan Axdiga.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u saxiixday heshiisyo dhowr ah oo caalami ah oo la xiriira xuquuqda carruurta, balse ansixinta rasmiga ah ee Axdigan Afrika ayaa u gogol xaaraysa in Soomaaliya ay si buuxda uga mid noqoto wadamada dhaqan-geliyay heshiiskan muhiimka ah.
Xildhibaanad ka mid ahayd kuwii taageeray Axdiga ayaa sheegtay in tani ay ka dhigan tahay guul u soo hoyatay dhammaan carruurta Soomaaliyeed.