U bood dhigaalka

Madaxtooyada  qaranka oo lagu sameeyay dib u casriyayn

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sameeyay isbeddel iyo dib-u-dhis ballaaran, ayadoo lagu soo kordhiyay dhismayaal cusub oo casri ah, kuwaas oo kor u qaadaya muuqaalka iyo howlaha rasmiga ah ee xarunta ugu sarreysa dalka.

Dib-u-dhiskaan ayaa ka kooban xafiiska rasmiga ah ee uu Madaxweynaha JFS ku shaqeeyo, kaas oo dib loo naqshadeeyay si casri ah, laguna daray qalab iyo agabyo cusub oo waafaqsan baahiyaha shaqo iyo amniga.

Sidoo kale, waxaa lagu kordhiyay Madaxtooyada xafiisyo muhiim ah sida Xafiiska Amniga Qaranka, Xafiiska Hab-maamuuska, iyo dhismayaal kale oo isugu jira hoy iyo xafiisyo tayo sare leh, kuwaas oo loo adeegsaday agabyo casri ah oo muujinaya horumar iyo bilic cusub.

Dib u dhiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee lagu horumarinayo hay’adaha dowliga ah iyo xarumaha danta guud oo ah goobo dadweynaha loogu adeego.