U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Daahfuray Mashruuca Koronto-gelinta 150 Xarumo Caafimaad oo Bilaash ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta 150 xarumo caafimaadka dadweynaha oo lacag la’aan ah, lagana hirgaliyey gobollada dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed baahi weyn u qabeen adeeg koronto oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta iyo adeegyada aasaasiga ah, isla markaana uu siin doonaa xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada tamar awood leh, taas oo kor u qaadaysa tayada adeegyada bulshada.

“Xukuumadda waxa ay diirada saartay in dadku helaan adeeg koronto iyo waxbarasho tayo sare leh. dhamaan adeegyada dadwaynaha waxaa asal u ah Koronto awood leh, korontada aan maanta wadno ee dhamaan Soomaaliya gees ka gees laga wada hirgaliyey waa koronto Deegaanka la saaxiib ah oo la yiraahdo Tamarta Cagaaran, waxaanna rajeyneynaa in ay dadka Soomaaliyeed awood u helaan in ay iibsadaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in tallaabadani ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka, isla markaana lagu wajahayo horumar dhanka tamarta ah, Xukuumaddana ay ka go’an tahay in ay sii ballaariso adeegyada korontada si loo xaqiijiyo adeegga bulshada.