Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga Cuntada iyo Cimilada

Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ka wada-hadlay xiojinta Iskaashigooda dhinacyada ammaanka cuntada iyo cimilada, ka dib kulan ka dhacay magaalada Busan ee dalkaas.
Masuuliyiin ka socata Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaaas Maxamed Shire ayaa kulan la yeeshay Mudane Kim Shinjae, Agaasimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Beeraha ee Wasaaradda Beeraha ee Kuuriyada Koonfureed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga cuntada, adkeysiga isbeddelka cimilada iyo kobaca dhaqaale ee waara, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (NTP 2025–2029).
Labada mas’uul waxay isla gartay in la kordhiyo taageeridda beeralayda iyo bulshada miyiga Soomaaliyeed, lana horumariyo beeraha u adkeysan kara isbeddelka cimilada si loo xoojiyo wax-soo-saarka iyo u adkeysiga xaaladaha cimilada.
Waxay sidoo kale ka wada-hadleen muhiimadda ah in la ballaariyo helitaanka cunto nafaqo leh oo loogu talagalay ardayda dugsiyada, si loo taageero caafimaadka iyo waxbarashada carruurta, iyo in la xoojiyo nidaamyada digniinta degdegga ah ee wax ka qabta abaaraha iyo fatahaadaha.