Soomaaliya oo Midowga Yurub Ka Dalbatay Taageero Lagu dhisayo Deked Cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Midowga Yurub ka codsatay inay ka gacan siiyaan dhismaha deked cusub, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta marinada ganacsiga ee dalka.
Codsigan ayaa yimid kadib markii wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ay booqdeen magaalada Brussels ee dalka Belgium – taas oo ah xarunta dhexe ee Midowga Yurub.
Kulammada ay halkaas kula yeesheen madax ka tirsan Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo horumarka kaabeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya.
Kadib booqashada wafdiga Soomaaliyeed, waxaa magaalada Muqdisho yimid wafdi ka socda dalalka Midowga Yurub kuwaasoo si gaar ah u booqday dekedda weyn ee Muqdisho. Maareeyaha dekedda, Maxamed Cali Ameeriko, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wafdigaasi ay hor dhigeen qorshe iyo codsi rasmi ah oo ku saabsan taageerada dhismaha deked cusub.
Inkastoo aan wali la shaacin meesha rasmiga ah ee laga dhisayo dekedda cusub, haddana dowladda Soomaaliya waxay caddeysay baahida loo qabo deked dheeraad ah oo kor u qaadda awoodda dalka ee ganacsiga badda.
Dekedda Muqdisho oo ay maamusho shirkadda Albayrak ee laga leeyahay Turkiga, ayaa sanadkan loo aqoonsaday inay tahay dekedda ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika, sida lagu sheegay qiimeyn lagu sameeyay dekedaha gobolka, balse dekeddan oo la dhisay xilligii dowladdii kacaanka ayaa u baahan dib-u-habeyn iyo casriyeyn.