U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo diiday qodobo diinta Islaamka ka hor-imaanaya oo ku jira Axdiga xuquuqda carruurta Midowga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan Axdiga Xuquuqda Carruurta Afrika, kaddib markii ay si wadajir ah u meel mariyeen Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Federaalka.

Axdigan oo dhowaan la ansixiyey ayaa sababay buuq iyo dood ballaaran gudaha iyo dibadda dalka, maadaama uu taabanayo arrimo xasaasi ah oo la xiriira dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka reebtay qodobo ka hor imanaya shareecada Islaamka, gaar ahaan kuwa la xiriira: Mamnuucidda guurka ka yar 18-jirka

Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankaasi uu ku saleysan yahay ilaalinta dhaqanka, diinta, iyo mabaadi’da shareecada Islaamka, iyadoo carrabka ku adkaysay in qaangaarnimada iyo guurka lagu saleeyo qawaaniinta iyo dhaqanka diineed ee bulshada Soomaaliyeed.

Tani waxay la micno tahay, sida ay dowladdu shaacisay, in Soomaaliya aysan waajib ku ahayn hirgelinta qodobadaas gaar ah, isla markaana ay suurtagal tahay in qof uu guursado ama uu qaangaadho iyadoo aan da’diisu gaarin 18 sano, haddii ay shuruudaha diinta Islaamku oggolaadaan.