U bood dhigaalka

Madaxweynaha DFS oo ka soo duulay Kismaayo xilli aan wax natiijo ah laga gaarin wada-hadalladii DFS iyo Jubbaland

Si ay shaacisay madaxtooyada Jubbaland Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Kismaayo ka dib wada-hadallo ay halkaas kula yeesheen madaxda maamulkaas.

Labada dhinac oo saacadihii la soo dhaafay yeeshay dhawr wareeg oo wada-xaajood ah ayaa isku afgaran waayay qodobka ah aqoonsiga natiijada doorashadii hore ee Jubbaland, taas oo dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa sheegtay in wada-hadalladu ay sii socan doonaan oo ay dhinacyadu yeelan doonaan wada-xaajoodyo kala oo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee haatan taagan.

Villa Soomaaliya dhinaceeda wax war ah kama soo saarin sida ay wada-hadalladu ku soo gabagaboobeen, balse intii aanu Madaxweynuhu Kismaayo ka soo duulin ayay madaxtooyadu sheegtay in kulamo miro-dhal ahi ay socdaan.