U bood dhigaalka

Maxay yihiin qodobada xuddunta u ah ismari-waaga wada-hadallada DFS iyo Jubbaland?

Wada-hadallo culus oo u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland saacadihii la soo dhaafay uga socday magaalada Kismaayo lagu soo warramayaa in ay qarka u saaranyihiin inay natiijo la’aan ku soo dhammaadaan, kaddib dhowr wareeg oo dhinacyadu yeesheen.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay yeesheen kulamo isdaba joog ah oo ay ku doonayeen in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, balse wararka soo baxaya ayaa muujinaya in aan la gaarin isfahan dhammaystiran ah.

Arrinta ugu weyn ee lagu kala fogaaday ayaa ahayd aqoonsiga doorashadii Kismaayo ee bishii November ee sanadkii hore, taas oo lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu markale noqdo Madaxweynaha Jubbaland, doorashadaas oo keentay buuq siyaasadeed, islamarkaana aad loo dhaliilay daahfurnaanteeda iyo hannaanka ay u dhacday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijadii ka soo baxday doorashadaas, iyadoo ku doodday in ay jebisay shuruucda iyo heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhow wada-hadallada, Jubbaland ayaa ku adkaysatay in aan qodob kale laga hadli karin inta aan la aqoonsan natiijada doorashadii hore, halka Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku adkeysanayo in gebi ahaanba la buriyo natiijadii doorashadaas si dib loogu laabto heshiisyadii madasha wada wada-tashiga qaranka.

Dhexdhexaadiyaasha ayaa ku dadaalaya in aysan wada-hadalladu ku dhammaan natiijo la’aan, balse illaa iyo hadda ma jiro isafgarad dhab ah oo laga gaaray arrinta muranka badan dhalisay.