Muxuu ka dhiganyahay Heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliland iyo Puntland?

Saacado ka hor waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay shir laba maalmood socday oo ay yeesheen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Puntland iyo Somaliland, kaas oo lagu gaaray is-afgarad taabanaya amniga, nabadda, ganacsiga, iskaashiga,iyo wada-shaqeynta bulshada.
Heshiiskan ayaa loo arkaa mid dhif ah oo u dhexeeya labada maamul ee muddo dheer isku khilaafsanayd arrimo xasaasi ah, sida maamulidda gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
Haddaba, heshiiskan cusub wuxuu leeyahay labo weji, mid dhanka nabadda iyo is-afgaradka ah, iyo mid kale oo siyaasadaysan oo saameyn kara maamulka cusub ee Waqooyi Bari.
1. Amniga: Cadowga Guud oo Laga Hor Tagayo
Qodobka koowaad ee heshiiska — iskaashiga amniga, waa fariin cad oo muujinaysa in labada maamul ay go’aansadeen in ay hal meel uga soo wada jeestaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.
Tani waa tallaabo amni oo lagu difaacayo xuduudaha iyo nabadda gobolka, balse sidoo kale waa calaamad muujinaysa in labada dhinac ay isku arkayaan inay mas’uul ka yihiin badbaadada dhul ay hore ugu muransanaayeen.
2. Nabadeynta Ceerigaabo iyo Dib-u-heshiisiinta Bulshada
Heshiisku wuxuu xoogga saaray soo afjaridda colaadda Ceerigaabo iyo deegaannada ku dhow, halkaas oo ay hore u kala taageersanaayeen maleeshiyaad iyo qabaa’il isku haya.
In Puntland iyo Somaliland si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadeynta halkaas, waxay muujinaysaa in labada dhinac ay doonayaan in ay xal siyaasadeed u helaan halkii ay ka sii fogaan lahaayeen.
Tani waa isbeddel weyn oo dhinaca niyadda ah, ka dib loolan iyo culays siyaasadeed oo soo jiitamayay sannado badan.
3. Ganacsiga iyo Isu-socodka: Fure Dhaqaale oo Cusub
Go’aanka lagu xoojiyay ganacsiga iyo isu-socodka bulshada wuxuu noqon karaa dariiq cusub oo kobcinaya dhaqaalaha labada dhinac, gaar ahaan gobollada xadka ku yaalla sida Laascaanood, Ceerigaabo iyo Buuhoodle oo hadda ah dowlad goboleedka Waqooyi Bari, balse labada dhinacba aysan aqoonsanayn.
Kaabayaasha dhaqaalaha ee la qorsheeyay waxay abuuri karaan xiriir ganacsi oo sababi kara in xiisaddii siyaasadeed ay si dabiici ah u yaraato, maadaama dhaqaale iyo isu-socod bulsho ay yareeyaan go’doonka siyaasadeed.
4. Maamulka Hawada:
Cambaaraynta siyaasadda lagu maamulo hawada ayaa lagu micneeyay fariin guud oo ku wajahan Dowladda Federaalka, taas oo labada dhinacba uga gol leeyihiin in cadaadis wadajir ah ay saaraan DFS.
5. Saameynta Heshiiskan ku Yeelan karo Maamulka Cusub ee Waqooyi Bari
Mid ka mid ah dhinacyada siyaasadeed ee ugu xiisaha badan waa saameynta uu heshiiskani ku yeelan karo maamulka cusub ee Waqooyi Bari, kaas oo dhawaan lagu dhawaaqay, isla markaana juquraafi ahaan ku yaalla deegaan labadan maamul u dhexeeya, dastuur ahaana ay maamuliddiisa tirsadaan.
Heshiiska Nairobi wuxuu u muuqdaa lagu doonayo in si dadban loogu wiiqo jiritaanka maamulkaas, maadaama is garadkaba ay ku jiraan qodobo tilmaamaya in layska kaashado amniga iyo isku socodka deegaannada u dhexeeya labada maamul oo loo jeedo Sool iyo Sanaag ama SSC.
Si kasta ha ahaatee isku soo dhowaanshaha Puntland iyo Soomaaliland oo sanado badan u dhaqmayay sida laba maamul oo colaad soo jireen ahi ka dhexayso, ayaa loo arkaa mid dani keentay ah oo ay horseedeen dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari, xariirka Imaaraadka, dagaalka Daacish, isbahaysi lagu doonayo in doorashada madaxtinimada Soomaaliya saamayn loogu yeesho.