Soomaaliland oo si cad u sheegtay inay Puntland ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa maamulka waqooyi bari

Soomaaliland ayaa sheegtay inay Puntland ka wada hadleen qodobo dhawr ah oo ay ku jiraan amniga xuduudaha, isku socadka, la dagaallanka argagixisada iyo waxay ugu yeertay cadowga gudaha, iyo arrimo kale.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland Maxamed Yuusuf oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa la weydiiyay su’aal ahayd “Soomaaliland iyo Puntland ma waxay heshiis ku yihiin in laga taqaluso maamulka curdunka ah ee Waqooyi Bari oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba loola dagaallamo”.
Wasiirku wuxuu ku jawaabay in Puntland iyo Soomaaliland midna uusan aqoonsanayn dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo uu ku tilmaamay dhibaato gacan ku samays ah, asagoo sheegay in si lamid ah dagaalka Daacish ay isaga kaashanayaan baabi’inta maamulkaas.
Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay inay ka hortagayaan in deegaannada Waqooyi Bari ay noqdaan meelo loo soo dhex maro Soomaaliland iyo Puntland oo uu tilmaamay inay wadaagaan xuduudihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, kuwaas oo meelaha qaar mara dhul aad ugu dhow magaalada Garoowe.
Soomaaliland iyo Puntland oo muddo col siyaasadeed ahaa ayaa aad isugu soo dhowaaday ka dib dhismihii dowlad goboleedka Waqooyi Bari, oo ku yimid dagaal lagu hoobtay iyo kacdoon shacab dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu dambeyn ka garowday.