U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka oo qorsheyneysa dhismaha maamul Jubbaland cusub oo xaruntiisu tahay Garbahaarey

Masuuliyiinta gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku dhiseyso maamul cusub oo Jubbaland ah, kaas oo xarun ku-meel-gaar ah looga dhigi doono magaalada Garbahaarey.

Cabdirashiid Janan, oo dhowaan ay dowladda Federaalka u magacowday taliyaha nabad sugidda iyo xasilinta gobolka Gedo, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qorshahan uu dhab yahay, isla markaana uu ka mid yahay dadaallada dowladda ee lagu doonayo in gobolka Gedo uu si toos ah uga mid noqdo hannaanka maamulka cusub ee Jubbaland.

Warkan ayaa imaanaya xilli dhowaan magaalada Kismaayo ay wada-hadal aan natiijo muuqata laga gaarin ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale, muddooyinkii dambe waxaa jirey warar soo baxayay oo tilmaamayay in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso inay dhisto maamul Jubbaland cusub, si ay u xoojiso saameynteeda deegaannada Jubbaland.

Tallaabadan cusub ayaa la filayaa inay sii xoojiso muranka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Jubbaland iyo dowladda Federaalka, iyadoo dad badan ay u arkaan in ay xiisadda labada dhinac uga sii daraysa.