U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Sweden oo Muqdisho soo gaaray iyo kulamo muhiim ah uu la qaadanayo madaxda dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden Mudane Pål Jonson, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayadoo la filayo inay arrimo muhiim ah kala hadli doonaan madaxda qaranka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka CXD, S/Guuto , Maday Nuurey Ufurow, ayaa wefdigan sare kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, ayadoo ay booqasho rasmi ah ku yimaadeen dalka.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo amniga.

Sweden ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya taageera, ayadoo sidoo kale Soomaali badan oo qurba-joog ahi ay ku nool yihiin dalkaas, waxaana la filayaa in booqashada wefdigani ay sare u sii qaadi doonto xariirka iyo iskaashiga labada dowladood.