Damaashaad iyo Dayac: Dowlad-goboleedyo dabbaaldegaya iyo Dadweyne Dhibaataysan

Munaasabadihii xuska wadaniga ahaa waxay isu rogeen fantasiyo borobagaando oo casriya ah, ayadoo sannad-guurooyinka maanta ee dowlad-goboleedyadu ay u dhacaan sida bandhig warbaahineed, waxaana la arkayaa kolonyo baabuur ah oo ay wataan mas’uuliyiin, muusig ka yeeraya sameecado la soo kireystay, iyo dhalinyaro aad u tiro badan, kuwaas oo intooda badan lagu soo xusay caannimadooda aaladdaTik Tok, kuwa derajo abwaannimo.
Sidoo kale shakhsiyaadka munaasabadaha lagu marti-qaado waxaa kamid ah kooaxaha ay dadka deegaanku u yaqaanaan “page ley” oo isugu weriyeyaal hore oo Facebook-ga taageerayaal badan ku leh, kuwaas oo baahiya faallooyin ammaan ah oo ku saabsan “horumarka” dowlad-goboleedka.
Dhanka kale, dadka Tik Tok-ga isticmaala ayaa safaf u gala si ay u salaamaan madaxweynaha iyadoo kaamirooyinku ay duubayaan, si loo helo gacan-qaadka ugu fiican ee baraha bulshada.
Safaradooda, hoygooda hoteellada, iyo cuntadooda waxaa bixisa dowladda, taasoo xaqiijinaysa in isla wajiyadii ay qabsadaan baraha bulshada iyagoo soo gudbinaya ammaan la soo diyaariyey iyo farxad loo jilay.
Wixii ay ahayd inay noqoto sharaf muwaadinnimo waxay isu beddeshay nooc masraxa dijitaalka ah bandhig si taxadar leh loo agaasimay oo loogu talagalay in lagu abuuro dhalanteed horumar.
Maamulkii iyo madadaaladii way is dhex galeen. Bandhiga waxaa loogu talagalay daawasho, ee looguma talagalin isla-xisaabtan, ayadoo muuqaal gaaban oo si weyn u faafay (viral clip) oo muujinaya madaxweyne dhoola-caddaynaya oo salaamaya dadka saamaynta leh uu beddelay su’aalihii degdegga ahaa ee ku saabsanaa shaqo la’aanta dhalinyarada, biyo yaraanta, ama qoysaska barakacay. Siyaasad Ku Dhisan Igu Sawir
Magaalooyinka sida Dhuusamareeb, Jowhar, iyo Baydhabo, sheekadu waa isku mid, Boorar ayaa lagu xiraa waddooyinka waaweyn, nalal qurxin ah ayaa lagu dhejiyaa isgoysyada, riwaayado iyo heesana habeenkii oo dhan ayay ka baxaan. Madaxda dowlad-goboleedyadu waxay jeediyaan khudbado waaweyn oo ay kaga hadlayaan midnimo iyo horumar.
Laakiin masraxa dhiniciisa kale, iskuulladu weli ma haystaan dhaqaale ku filan, isbitaalladu waxay ka arradan yihiin qalabkii aasaasiga ahaa, jiil dhallinyaro ahna waa shaqo la’aan iyo rajo beel.
Munaasabadahan xuska ah, oo inta badan ay ku baxdo boqollaal kun oo doollar, waxay isu beddeleen bandhigyo siyaasadeed-fursado si taxaddar leh loo soo agaasimay oo ay madaxdu ku xoojiyaan awooddooda kuna kordhiyaan muuqaalkooda, halkii ay shacabkooda u qaban lahaayeen adeegyo la taaban karo. Waa arrin la yaab leh: muwaadiniin ku dhibaataysan inay helaan cuntada maalinlaha ah ayaa ku qasban inay daawadaan dowladahooda oo si xad-dhaaf ah lacag ugu bixinaya bandhigyo laga sii daayo telefishinnada.
Sumcadda Baraha Bulshada Oo Laga Hormariyay Horumarka Bulshada
Xilli miisaanka siyaasadeed lagu cabbiro muuqaalka, hay’adaha dowladdu waxay hadda ku tartamayaan ma ahan maamul-wanaag balse waa is-qurxin iyo is-muujin. Xafiisyada xiriirka dadweynaha waxay kharash badan ku bixiyaan kooxo kaamerooyin wata, boorar waaweyn, iyo dadka baraha bulshada saamaynta ku leh si ay u abuuraan sawir guul oo been abuur ah.
Madaxweyneyaasha iyo wasiirrada waxaa loo soo bandhigaa sidii dad caan ah (celebrities), halka arrimaha dhabta ah-sida biyo yaraanta, caafimaadka sii liidanaya, ammaan-darrida joogtada ah, iyo shaqaalaha rayidka ah oo aan mushaar qaadan-gadaal loo riixo.
Astaanta dabbaal-degga ayaa si nasiib darro ah uga miisaan badatay nuxurkii maamulka, sida uu ku cataabay sarkaal sare oo dawladda ka tirsan, “Sannad-guura kasta waa dabbaal-deg cusub, laakiin subaxda xigta waxba isma beddelaan, ayadoo weli ay dadku yihiin kuwii hore oo ku jira dhibaatadii” Muwaadiniinta La Dayacay
Soomaalida caadiga ah, bandhigyadani waa isha ciil iyo caru qoto dheer oo sii kordhaysa. Qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool duruufaha adag ee duleedka Muqdisho iyo beeralayda ay abaartu saameysay ee ku nool miyiga kama dhex arkaan halgankooda nololeed bandhigyadan waaweyn.
Taa beddelkeeda, munaasabad kasta waxay u noqotaa xusuusin xanuun badan oo ku aaddan farqiga sii ballaaranaya ee u dhexeeya madaxda iyo shacabka.
Dhaqdhaqaaqayaasha bulshada rayidka ah ayaa si isa soo taraysa u weydiinaya sababta malaayiin doollar loogu kharash gareeyo fantasiyooyin, halka macallimiintu aysan mushahar helin, dadka barakacayaashuna aysan haysan hoy aasaasi ah.
Dad badan, farriinta ka imaanaysa madaxdoodu waa cadahay: waxaan u dabbaal-degnaa nafteena, ee uma dabbaal-degno shacabkeena. Baaq Loo Jeedinayo In Dib Loo Fikiro dabbaal-deggu xumaan kuma sifoobo. Xuska taariikhaha muhiimka ah waxay noqon kartaa qalab awood leh oo lagu kobciyo midnimada iyo sharafka qaranka.
Laakiin marka munaasabadahani ay noqdaan aalado lagu buunbuuniyo sumcadda siyaasadeed, iyagoo ka fog xaqiiqda dhabta ah ee dadweynaha, waxay luminayaan dhammaan sharciyaddoodii akhlaaqeed.
Waa in madaxda Soomaalidu ay isweydiiyaan su’aal aasaasi ah: Si dhab ah, maxaynu u dabbaal-degeynaa-horumar dhab ah mise riyo-maalmeed khatar ah? Horumarka dhabta ah laguma qiyaaso nalalka masraxa iyo khudbadaha. Waxaa lagu qiyaasaa iskuullada la dhisay, rugaha caafimaadka ee shaqaalaha leh, iyo nolosha dadka oo la sugaayo.
Gunaanad
Soomaaliya waxay taagan tahay meel kala-doorasho ah. Waxay sii wadi kartaa waddada maamul is-muujin ah, halkaas oo munaasabado qurxoon ay qarinayaan burbur dhismeed oo qoto dheer. Arma, waxay qaadan kartaa waddo cusub oo ku dhisan isla-xisaabtan, halkaas oo dabbaal-degu uu ka dambeeyo guul dhab ah, halkii uu beddeli lahaa.
Ilaa xilligaas, muusiggu wuu socon doonaa, kaamirooyinkuna way shaqeyn doonaan, shacabkuna waxay ka daawan doonaan hooska saboolnimadooda-iyagoo sugaya sabab dhab ah oo ay u dabbaal-degaan.