U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay heshiis qarsoodi ah la gashay dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si cad u beenisay warbixinnadii dhawaan lagu sheegay in ay Soomaaliya iyo Sweden galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi ay yihiin “kuwa been abuur ah, marin-habaab ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn.”

Dowladdu waxay sheegtay in aan jirin wax heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda ama qaybinta gargaarka horumarineed.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden uu yahay mid taariikhi ah, kuna dhisan ixtiraam iyo sharciga caalamiga ah, iyadoo dhammaan wada-shaqeynta iyo wada-xaajoodyada lagu fuliyo heer diblomaasiyadeed oo daahfuran, laguna hubiyo kormeero joogto ah oo Golaha Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda ah ay sameeyaan.

Dowladda Soomaaliya waxay intaas ku dartay in dhammaan gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka la siiyo lagu maamulo qaabab daah-furan, oo ay ka mid yihiin nidaamka Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay, iyo hannaanka xisaabaadka ee dowladda dhexe.